HomeWarkiiReer Sool oo ku eedeeyay Puntland inay Garowe ka bilaabeen beegsida hantdooda

Reer Sool oo ku eedeeyay Puntland inay Garowe ka bilaabeen beegsida hantdooda

Baraha Bulshada ayaa lagu faafiyay cabashada dad ka soo jeeda Gobolka Sool oo ku eedeynaya Reer Garoowe ay halkaasi ka bilaabeen beegsiga hantidooda.

Wararkaan ayay reer Sool waxay ku sheegeen in hanti u badan dhulal ay Garowe ku leeyihiin hada ay boobayaan dadka Garowe ka soo jeeda inkastoo aysan  hadalkooda aysan ku darin inay maamulka gaarsiiyeen dhibaatada ay sheegeen in iyaga si gaar ah loogu hayo.

Reer Sool ayaa dhacdadii ugu dambeeyay waxay ku xuseen in dhulkooda lagu qabsaday xildhibaan iyo Ganacsade labaduba ka soo jeeda Gobolka Sool kuwaasoo magacyadoodana ay ku kala sheegeen Ganacasade Mr. C/kariin Gaal-leef iyo Xildhibaan Mohamud Dhegaweyne.

Sidoo kale eedaha waxaa ka mid ah kiisaska dhulka boobka ay ku lug leeyihiin  mas’uuliyiin  ay ku jiraan Ganacsato waaweyn iyo Generalo ciidan oo xilalka ciidan ee ugu sareeya Puntland ka soo qabtay xili sidoo kale qaarkood ku xiran yihiin DFS.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -