HomeWarkiiRigathi Gachagua "Soomaalida ma nacbani laakiin waxaan tilmaamaa kuwa tuugada ah" 

Rigathi Gachagua “Soomaalida ma nacbani laakiin waxaan tilmaamaa kuwa tuugada ah” 

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Kenya Rigathi Gachagua ayaa ka dhawaajiyay inuusan nacbayn Soomaalida balse ay jiraan kuwo tuugo ah oo uu tilmamo isagoona dhanka kale amaan kala dul dhacay Soomaalida.
Rigathi Gachagua wuxuu sheegay in Soomaalidu yihiin dad wanaagsan laakiin ay ku jiraan kuwa aan badneyn oo markii ay wax soo dhacaan ku gabada magaca Soomaalida .
Mar uu ka hadalay hadalo laga faafiyay oo ahaa inuu sheegay mall ay Soomaalidu leyihiin oo lagu dhisay hanti Mareykanka laga soo dhacay ayuu iska fogeeyay inuu isagu magac sheegay.
“aniga ma sheegin magaca Mall-ka laakiin siyaasiyiin Soomaali ah ayaa markiiba magaca Mall-ka shaaciyay” ayuu yiri Madaxweyne xigeenkii hore ee Kenya
Rigathi Gachagua oo ka soo jeeda Qabiilka Kikuuyaha ayaa inta badan lagu xanaa inuu aad u neceyb yahay Soomaalida xili dhawaan uu sheegay in ganacsao Soomaali ah loo xirey keenista Bariis dibada ay ka keensadaan xili reerkiisa uu sheegay inay beerahooda ka soo saaraan Bariis balse kaas dibada laga keenay uu beec xir ku sameeyay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -