Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirrada xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha iyo xubno ka tirsan Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn.

Ugu horreyn Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ka dhagaystay xogihii ugu danbeeyey ee la xiriira saamaynta abaartu ku yeelatay guud ah Dalka iyo halka uu marayo gurmadka loogu jiro wax ka qabashada Abaarta.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, ayaa faray Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha in howllaha gurmadka abaaraha la dedejiyo, maadaama abaartu ku sii fidayso deegaanno hor leh, dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatayna u baahan yihiin in gurmad lala gaaro. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa 16 August 2022 ku dhawaaqay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha, kuwaas oo ka kooban 16 xubnood oo ka kala yimid Golaha Wasiirrada, Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha, Culimada Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Ururada bulshada Rayidka.

Dhinaca kale Ku dhawaaqista guddigaan ka dib Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA), oo ka kooban illaa shan xubnood ka dib go’aanka ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada

Hase ahaate dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta Abaar aad u daran taas oo saameysay in ka badan hal milyan oo qof kuwaas oo ku nool deegaannada Dowladda Gobaleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here