Liverpool ayaa safar ku tagtay waddanka Spain oo ay kula soo ciyaarayso Atletico Madrid  oo ahayd kooxdii ka reebtay tartanka Champions League xilli ciyaareedkii 2019-20.

Labadan kooxood ayaa ku wada jira Group B, waxaana hoggaaminaysa Liverpool oolabadii ciyaarood ee ay dheeshay guulo waaweyn soo hoysay, haysatana lix dhibcood, halka Atletico ay afar dhibcood ka soo xoogsatay AC Milan iyo FC Porto.

Kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayo ee Atletico waxay ciyaartii hore guul cidhiidhi ah ka gaadhay AC Milan oo daqiiqaddii ugu dambaysay ay ka dhalisay ay saddexda dhibcood ku heleen, laakiin Liverpool oo u tagtay FC Porto ayaa xasuuq 5-1 ah soo geysatay.

Rikoodhada iyo xaqiiqooyinka muhiimka ah

  • Atlético Madrid iyo Liverpool waxay markii ugu dambaysay ku kulmeen wareegga 16ka Champions League xilli ciyaareedkii 2019-20, waxaana labadii ciyaarood ba guuleysatay kooxda reer Spain. Lugtii hore ee ka  dhacday isla garoonka caawa lagu ciyaarayo ee Wanda Metropolitano waxa 1-0 ku badisay Atletico, ciyaartii xigay ee Anfield na waxa 3-2 ay guushu ku raacday Los Rojiblancos.
  • Liverpool wax guul ah may arag afartii jeer ee ugu dambeeyey ee UEFA Champions  League ah ee  ay iska hor yimaaddeen Atletico, iyagoo laba jeer barbarreeyey labana laga badiyey. Waa rikoodhkii ugu xumaa ee Reds ay kala kulanto tartankan taariikhdeeda, kaliyana FC Basel oo afar jeer aanay wax guul ah ka helin ayaa ah kooxda labaad ee rikoodh xun oo kale ay ka haysato Liverpool.
  • Liverpool lix jeer ayay guul-darro lasoo kulantay toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay waddanka Spain safarka ku tagtay, waxaana ugu dambaysay inay guul kala soo laabato xilli ciyaareedkii 2008-09 oo ay Real Madrid kusoo wareegga  16ka.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Atletico Madrid vs Liverpool

Tartanka: Champions League

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Wanda Metropolitano

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Stefan Savid oo ganaax laba ciyaarood ah lagu riday ayaa dhaawac ku maqan, sidoo kalena Geoffrey Kondogbia ayuu Diego Simeone xaqiijiyey inuu dhaawacan yahay oo aanu joogin ciyaartan, laakiin waxa usoo kacay Jose Gimenez, Matheus Cunha iyo Marcos Llorente.

Luis Suarez ayaa u halgami doona inuu gool ka dhaliyo kooxdiisa

balse Rodrigo de Paul iyo Thomas Lemar ayaa iyaguna u dagaallami doona inay ka mid noqdaan saddexda khadka  dhexe.

Liverpool waxa  usoo laabtay labada ciyaartoy ee reer Brazil ee Alisson Becker iyo Fabinho oo ka maqnaa ciyaartii horyaalka ee Sabtidii ay ku xasuuqeen Watford, waxaanay beddeli doonaan Coaimhim Kelleher iyo James Milner.

Diogo Jota iyo Trent Alexander-Arnold ayaa labaduba taam ka  noqday dhaawacyo ay qabeen, laakiin saddexda ciyaartoy ee Thiago Alcantara, Curtis Jones iyo Harvey Elliott ayaa wali ka  maqan Reds.

Jota oo ku dhaawacmay tababarka xulka qaranka Portugal ayaa kaydka ku jiray ciyaartii Vicarage Road ee Sabtidii, waxaana uu ka sugayaa Klopp inuu fursad siiyo caawa.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Atletico Madrid: Oblak; Felipe, Kondogbia, Hermoso; Trippier, De Paul, Koke, Lemar, Carrasco; Suarez, Griezmann

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Keita; Salah, Firmino, Mane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here