XIGASHO LAACIB.NET
Rio Ferdinand, khabiirka kubadda cagta iyo halyeygii hore ee Manchester United, ayaa si lama filaan ah u sheegay in kooxda Red Devils ay isku daydo saxiixa xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah, inkastoo uu qiray in arrintu tahay mid aan la hubin.
Ferdinand ayaa yiri: “Marna ma dhici karto in Mo Salah uu u wareego Man United. Ma aaminsani inuu leeyahay dabeecaddii Rooney ama Tevez oo kale ee ka dhigeysay inay gees u baxaan.”Si kastaba ha ahaatee, Ferdinand wuxuu sheegay inuu dalab furan u jeedin lahaa Salah, isagoo tilmaamay in haddii ay dhacdo, ay noqon doonto arrin “waalli ah oo kubadda cagta gilgili lahayd.”
Ferdinand wuxuu intaas ku daray in:Ciyaartoyda Liverpool aysan rabin in Salah baxo maadaama uu kaalin weyn ku leeyahay guulaha kooxda.
Xiisadda u dhaxaysa Salah iyo macallinka ay u muuqato mid gaartay heer aan dib loo celin karin.
Salah uu rumeysan yahay in macallinku leeyahay “ujeeddo kale” oo ah in uu kooxda ka ceyriyo.
Hadallada Ferdinand ayaa kiciyay dood xoogan oo ku saabsan mustaqbalka Salah, iyadoo ay sii kordhayaan wararka sheegaya khilaafka u dhaxeeya isaga iyo macallinka Liverpool.
XIGASHO LAACIB.NET
