HomeCiyaarahaRio Ferdinand oo shaaciyay ninka badbaadiyay Kubadda Cagta Afrika’ – Sadio Mane...

Rio Ferdinand oo shaaciyay ninka badbaadiyay Kubadda Cagta Afrika’ – Sadio Mane muxuu ka sameeyay Final-kii AFCON?

XIGASHO LAACIB.NET

Rio Ferdinand ayaa amaan aan loo meel deyin u jeediyay xiddiga reer Senegal, Sadio Mane, isagoo ku sifeeyay inuu yahay shaqsiga “badbaadiyay kubadda cagta Afrika” ka dib dhacdadii yaabka lahayd ee ka dhacday final-kii tartanka AFCON 2026 ee dhexmaray Senegal iyo Morocco.

Ferdinand oo arrintan kaga hadlay barnaamijkiisa Rio Presents Podcast, ayaa soo qaatay daqiiqaddii xasaasiga ahayd markii ciyaartoyda Senegal ay isaga baxeen garoonka iyagoo careysan, ka dib markii ay isku khilaafeen go’aan uu qaatay garsooraha.

Ferdinand wuxuu aaminsan yahay in haddii Senegal ay garoonka ka maqnaan lahayd, ay taasi dhaawac weyn ku noqon lahayd sumcadda kubadda cagta qaaradda.

Wuxuu sheegay in Sadio Mane uu ahaa qofka ku qanciyay saaxiibadiisa inay dib ugu soo laabtaan garoonka: “Mane wuxuu badbaadiyay kubadda cagta Afrika, kaliya maahan tan Senegal. Wuxuu kooxdiisa ka soo saaray qolka labiska wuxuuna ku yiri, ‘Dhageysta saaxiibayaal, waa inaan guuleysannaa ama na laga guuleystaa, waa inaad soo baxdaan oo aad ciyaartaan, kubadda cagta Afrika ayaa taas u baahan’.”

Rio ayaa intaas ku daray in go’aankaas geesinimada leh uu horseeday in Senegal hanato koobka, taas oo keentay inay ugu dambeyntii ciyaarta ku guuleystaan 1-0, sidaasna ay ku qaadaan koobka AFCON 2026. “Waxa uu Mane ka sameeyay AFCON waxay iga dhigtay inaan si dhab ah u jeclaado,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Ferdinand.

Guushan ayaa ka dhigan in Pape Thiaw uu taariikh cusub u dhigay Senegal isagoo ku hoggaamiyay koobkoodii labaad ee AFCON, waxaana Sadio Mane loo arkaa inuu hadda yahay halyeeyga ugu weyn ee qaaradda xilli-ciyaareedkan.
XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -