XIGASHO LAACIB.NET
Rio Ferdinand ayaa dhaliil xoogan u jeediyay qaabka loo adeegsaday Benjamin Sesko kulankii Manchester United ay barbaraha la gashay Fulham Axaddii.
United oo hoggaanka heshay daqiiqaddii 58aad kadib gool uu iska dhaliyay Rodrigo Muniz ayaa barbaro lagu qabtay markii Emile Smith Rowe uu shabaqa ku hubsaday kubbad uu dhaliyay 73-aad.
Ferdinand, oo hore ugu soo ciyaaray United, ayaa ka carooday sida weeraryahanka cusub Sesko loo adeegsan waayay markii lagu soo daray ciyaarta qeybtii labaad.
“Waxaa loo baahan yahay inaad kusoo billowdo isaga. Ma aha ciyaaryahan fudud in la maareeyo. Haddii aad kubbadda siiso, daafacyada waxey ku qasbanaanayaan inay la tacaalaan. Laakiin waxaa dhacday in aan ku ciyaarno hareerihiisa halkii aan toos ugu adeegi lahayn,” ayuu yiri Ferdinand.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu raaciyay: “Mararka qaar waa waxyaabo aasaasi ah. Siiso kubbadda ciyaaryahan halis abuuraya, balse waxa aan dooranay inaan ka leexanno taas. Waxaan jeclaan lahaa in xitaa haddii ay ku adkaato ciyaarta, haddana la fahmo waxa uu keeni karo. Hadda, run ahaantii ma garanayo waxa uu yahay ama waxa uu samaynayo.”
Ferdinand ayaa ku baaqay in kooxda ay si fiican u taageerto Sesko si ay ugu fududaato inuu ku dhex milmo kooxda.
XIGASHO LAACIB.NET
