HomeCiyaarahaRio Ferdinand oo si lama filaan ah u magacaabay labada ciyaaryahan ee...

Rio Ferdinand oo si lama filaan ah u magacaabay labada ciyaaryahan ee ugu saameynta badan Premier League xilli ciyaareed-kaan

XIGASHO LAACIB.NET

Halyeeyga Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa amaan ballaaran u jeediyay Declan Rice kadib bandhiggiisii cajiibka ahaa ee uu ka sameeyay Arsenal qeybtii hore ee xilli-ciyaareedka Premier League 2025/26.

Isagoo ka hadlayay kanaalkiisa YouTube, Ferdinand wuxuu yiri:

“Waxaan u maleynayaa in Declan hadda juu joogo meel uu si dhab ah uga mid yahay ciyaartoyda ugu saameynta badan Premier League. Dabcan, Erling Haaland waa ciyaaryahanka ugu saameynta badan horyaalka waqtigan.”

“Waxaan u arkaa in Declan uu yahay lambarka labaad marka laga hadlayo ciyaartoyda ugu saameynta badan Premier League. Marka uu ordayo oo uu ciyaarta hogaaminayo, Arsenal waxay noqotaa koox gebi ahaanba ka duwan sida caadiga. Haddii Rice ka maqnaado kooxda, Arsenal ma yeelan doonto isla xoogga iyo kaxeynta ciyaarta.”

“Wuxuu leeyahay waqtiyo uu ciyaarta si toos ah u qabsan karo, isaga oo kubadda la cararaya 30 ama 40 mitir. Wuxuu sameeyaa waxyaabo badan oo kala duwan. Ma aha ciyaaryahan si qurux u ciyaara sida Vitinha ama Pedri.Waa ciyaaryahan nooc kale ah, wax gebi ahaanba ka duwan ayuu keenaa.”

“Wuxuu leeyahay siyaabo badan oo uu ciyaarta u saameeyo; ha noqoto dabeecaddiisa, go’aankiisa adag ama sida uu kubadda u wado. Wuxuu baas bixin karaa masaafado kala duwan, wuxuu ka bixi karaa cadaadiska (press), wuxuuna bilaabay inuu goolal ku daro ciyaartiisa, maadaama uu hadda ka ciyaarayo boos hore.”

Declan Rice wuxuu xilli-ciyaareedkan 2025/26 u saftay Arsenal 18 kulan oo Premier League ah, isagoo dhaliyay laba gool isla markaana bixiyay saddex caawin (assists).

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -