XIGASHO LAACIB.NET
Robert Lewandowski wax niyad ah uma hayo inuu ka tago Barcelona, inkastoo ay sii kordhayaan shakiyada ku saabsan doorkiisa kooxda iyo xaaladda qandaraaskiisa.
Sida uu qoray SPORT, weeraryahanka 37-jir ah wuxuu doonayaa inuu sii joogo Barça isla markaana dib u helo kaalintiisii muhiimka ahayd, kadib markii uu booska weeraryahanka dhexe ku waayay Ferran Torres.
Lewandowski wuxuu galay lixdii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa, kaas oo dhacaya 30-ka Juun, wuxuuna u baahan yahay inuu ku qanciyo maamulka club-ka in loo kordhiyo heshiiska.
Laga bilaabo 1-da Janaayo, wuxuu xor u noqonayaa inuu la xaajoodo kooxo kale, iyadoo ay jirto xiiso uga imanaya horyaalka MLS iyo kan Sacuudiga.
Xilli ciyaareedkan, Lewandowski wuxuu dhaliyay sideed gool oo La Liga ah, balse hal bil ayuu gool la’aan ahaa, iyadoo dhibaatooyin dhanka jirdhiska ahna ay noqdeen kuwo soo noqnoqda.
Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa si taxaddar leh u maareynaya daqiiqadihiisa ciyaarta, isagoo rajeynaya in weeraryahanku saameyn weyn ku yeesho qeybta labaad ee xilli-ciyaareedka.
Haddii Lewandowski ku guuldareysto inuu mar kale noqdo ciyaaryahan muhiim ah, bixitaankiisa wuxuu noqon karaa mid dhab ah, taasoo ku qasbi doonta Barcelona inay dib u eegto qorshaheeda weeraryahanka dhexe.
XIGASHO LAACIB.NET
