XIGASHO LAACIB.NET
Weeraryahanka Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda, iyadoo qandaraaskiisu uu dhacayo dhammaadka xilli-ciyaareedkan.
Xiddiga reer Poland ayaa yiri:
“Wali waqti ayaan haystaa si aan go’aan u gaaro. Hadda ma garanayo halka aan doonayo inaan ka ciyaaro. Looma baahna in hadda laga fikiro. Ma ogi jihada aan qaadi doono, mana jiro wax cadaadis ah oo i saaran.
“Wax wadahadal lama yeelan tababaraha. Arrintu ma ahan in mushaharkayga la dhimo kala bar. Wax badan waxay ku xiran tahay qorshaha kooxda iyo waxa aan anigu doonayo.”
Hadallada Lewandowski ayaa muujinaya in mustaqbalka ay suurtagal tahay inuu ka baxo Camp Nou xagaaga soo socda.
Da’diisa, dhibaatooyinka dhanka taam ahaanshaha iyo joogteyn la’aanta qaab ciyaareedkiisa ayaa keenay shaki ku saabsan sii joogistiisa Barcelona. Sidoo kale, mushaharkiisa weyn ee 37-jirkan ayaa caqabad ku ah kooxda Blaugrana.
XIGASHO LAACIB.NET
