XIGASHO LAACIB.NET
Real Madrid ayaa si weyn loola xiriirinayay inay xagaagan u dhaqaaqayaan saxiixa Rodri, iyadoo tababaraha cusub Xabi Alonso uu doonayo inuu keeno khad dhexe oo cusub.
Si kastaba ha ahaatee, sida uu werinayo wariyaha Diario AS, Joaquin Maroto, Rodri ma imaanayo Real Madrid xagaagan.
Ciyaaryahanka reer Spain ma qorsheynayo inuu ka tago Manchester City, waxaana sidoo kale la xaqiijiyay in Los Blancos aysan qorsheyneyneyn inay lacag badan ku qarash gareeyso saxiixa laacibka.
Real Madrid weli go’aan kama gaarin nooca khad dhexe ee ay doonayaan inay keenaan, iyadoo si weyn loola xiriirinayay xagaagan ciyaaryahanka reer jarmal, Angelo Stiller.
