XIGASHO LAACIB.NET

Warbixin kasoo baxday Rudra ayaa xaqiijisay in xiddiga reer Brazil ee Rodrygo Goes, oo ka tirsan Real Madrid, uu ka codsaday Xabi Alonso in aan mar kale loo isticmaalin garabka midig, isagoo doorbidaya inuu ku ciyaaro garabka bidix oo uu aaminsan yahay iney ku habboon tahay xirfadiisa.
Sida uu qoray saxafiga Rudra oo qoraal ku daabacay bartiisa X (Twitter), Rodrygo ayaa doonaya inuu isku muujiyo booska uu jecel yahay, kaas oo uu ku dareemo inuu ku dhex muujin karo farsamadiisa iyo xirfaddiisa hal-abuurka leh.
Isla ilahaasi waxey shaaciyeen in Alonso qorsheynayo inuu siiyo Rodrygo fursad booska garabka bidix ah kulanka ay Madrid maanta (Axad) la ciyaarayso Real Oviedo, kaas oo qeyb ka ah wareega labaad ee La Liga.
Booska Rodrygo ee safka hore ee Real Madrid ayaa hoos u dhacay waayadan dambe, iyadoo tababaraha uu doorbiday ciyaartoy kale sida Arda Güler, Brahim Diaz, Franco Mastantuono, iyo Gonzalo García.
Si kastaba ha ahaatee, hoos u dhaca qaab ciyaareedka Vinicius Jr. ayaa laga yaabaa inuu fursad cusub siiyo Rodrygo si uu mar kale safka koowaad uga mid noqdo.
XIGASHO LAACIB.NET
