HomeCiyaarahaRodrygo oo mar kale go’aan lama filaan ah ka soo saaray mustaqbalkiisa...

Rodrygo oo mar kale go’aan lama filaan ah ka soo saaray mustaqbalkiisa Real Madrid

XIGASHO LAACIB.NET

Xiddiga garabka uga ciyaara Real Madrid, Rodrygo Goes, ayaan wax codsi ah u gudbinin maamulka kooxda si uu uga tago, inkasta oo ay jiraan warar badan oo ku qotoma xaaladda mustaqbalkiisa, sida uu shaaciyay wargeyska COPE.

Xilli tababaraha cusub ee kooxda, Xabi Alonso, uu doorbidayo Arda Güler inuu ka ciyaaro garabka midig, Rodrygo ayaa wajahaya hubanti la’aan ku saabsan doorkiisa, iyadoo kooxaha Liverpool, Arsenal iyo Tottenham lala xiriirinayo.

Warar hore ayaa tilmaamay in Arsenal ay qorsheyneyso inay iibiso Leandro Trossard si ay ula soo saxiixato Rodrygo, balse arrintaasi waxay u muuqataa mid aan dhab ahayn kadib markii ay Gunners soo qaateen Viktor Gyokeres.

Dhinaca kale, Tottenham ayaa la sheegay inay xiiseynayaan, hase yeeshee Rodrygo ma doonayo inuu ku biiro Spurs, isla markaana kooxda reer London ma aysan muujin wax dan rasmi ah.

Ilaa hadda ma jiro dalab rasmi ah oo laga soo gudbiyay Rodrygo, iyadoo Real Madrid ay ku qiimeyneyso €100 milyan oo euro, waxayna kooxda caddeysay in qiimahaas la iska rabo, balse sidoo kale ay diyaar u yihiin inay sii heystaan xiddiga haddii uu doonayo inuu u dagaallamo boos joogto ah xilli ciyaareedka soo socda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -