HomeCiyaarahaRonaldo oo mar kale magaciisa ku qoray buugga Taariikhda Kubadda Cagta!

Ronaldo oo mar kale magaciisa ku qoray buugga Taariikhda Kubadda Cagta!

XIGASHO LAACIB.NET

Xiddiga caanka ah ee Cristiano Ronaldo ayaa markale magaciisa ku qoray buugga taariikhda kubadda cagta, kaddib markii uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee 100 ama ka badan gool u dhaliya afar kooxood oo kala duwan.

Ronaldo oo haatan 40 sano jir ah ayaa gaadhay heerkan taariikhiga ah kadib markii uu dhaliyay goolkiisii 100aad ee Al-Nassr, isagoo hadda wadarta guud ee noloshiisa ciyaareed ku gaaray 940 gool.

Taariikhdiisa goolasha waxay ku fidsan tahay afar kooxood oo waaweyn oo uu ka soo ciyaaray:

Real Madrid: 451 gool / 438 kulan – Halyeeyga ugu goolasha badan taariikhda kooxda, isagoo ku guuleystay 4 koob oo Champions League ah.

Manchester United: 145 gool / 346 kulan – laba waqti oo uu kooxda ku sugnaa.

Juventus: 101 gool / 134 kulan.

Al-Nassr: 100 gool / 113 kulan kaliya.

Goolkan taariikhiga ah ayaa yimid intii lagu jiray kulankii Saudi Super Cup, halkaas oo uu Ronaldo ku dhaliyay rigoore daqiiqaddii 41aad, goolkaas oo ka caawiyay kooxdiisa inay tallaabo u qaaddo hanashada koobka isla markaana noqday calaamad taariikhi ah.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -