HomeCiyaarahaRonaldo oo si kulul u dhaliilay Ballon d’Or kadib markii laga reebay...

Ronaldo oo si kulul u dhaliilay Ballon d’Or kadib markii laga reebay murashaxiinta sanadkan ee abaalmarinta

XIGASHO LAACIB.NET

Cristiano Ronaldo ayaa si kulul u dhaliilay abaalmarinta Ballon d’Or kadib bandhig cajiib ah oo uu sameeyay kulankii Al-Nassr ay 4–0 kaga adkaadeen kooxda Rio Ave, isagoo dhaliyay saddexleey (hat-trick).

Markii la weydiiyay su’aal ku saabsan cida ugu cadcad ku guuleysiga Ballon d’Or, Ronaldo ayaa si kooban ugu jawaabay: “Ballon d’Or waa wax iska mala awaal ah,” isaga oo markiiba ka dhaqaaqay suxufiyiintii su’aasha weydiisay.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Ronaldo markiisii labaad oo xiriir ah laga reebay liiska musharrixiinta Ballon d’Or, xilli uu weli muujinayo qaab ciyaareed sare iyo heer gooldhalin cajiib ah.

Inkasta oo uu si joogto ah u la imaanayo natiijooyin xoog leh, haddana xiddiga reer Portugal ayaa wali ka maqnaaday abaalmarinta ugu weyn ee shaqsiga ah ee kubadda cagta.
XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -