Baydhaba (daniiile.com)-Wararka laga helaayo Magaalada Badhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa sheegaya in hakaasi uu ka da’ roob xooggan oo sababay dhimasho iyo bur bur hantiyeed.

Roobkaan ayaa saameynta ugu badan ku yeeshey dadka barakacayaasha ah ee dega guryaha cooshadaha ka sameysan kuwaasoo inta badan ku gurya beeleen roobka.

Advertisement

Sidoo kale Buundada kala qeybisa Magaalada Baydhabo ayaa biya badan keentay iyadoo xalay qaaday dad aan tiradooda la ogeyn ilaa hadana la la’yahay nolol iyo geeri.

Maamulka Degmada Baydhabo ayaa xaqiijisay dhimshada hal ruux inta ay ka war hayaan iyadoo dad kalana la la’yahay.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi gelinta  Maamulka Koonfur Galbeed Cumar Mustafa Nuur ayaa shacabka kala haday arimaha roobka.

Agaasimaha wuxuu ka codsaday shacabka inay u diyaar garoobaan roobabkaan oo hore ay uga digtay Dowlada Soomaaliya.

“shacabka waxaan leeyahay ka fogaada meelaha biya  mareenada ah si looga feejignaado qatarta daadadka roobku keenay”ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta koonfur-galbeed

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleGolaha Wasiirada oo goor dhaw ansixiyay laba xeer oo Muhiim ah+Sawirro
Next articleReer Nayroobi Berito ma heli doonaan adeega Shirkada Safaricom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here