Luuq (dayniiile.com)-Wararka ka imaanaya Gonolka Geddo ayaa sheegaya in Magaalada Luuq uu ka da’ay roob socday in ka badan 14 saac.
Wararka waxay intaas ku darayaan in roobkaan oo sidoo kale daadad watay uu sababay inay barakacaan kumanaan qoys kuwaasoo caawana hoy la’aan ah.
Qaar ka mida masuuliyiinta Degmada Luuq ayaa la hadlay Tv-ga Qaranka waxayna codsadeen in loo soo gurmado qoysaska faraha badan ee ka barakacay Luuq .
Masuuliyiinta waxay intaas ku dareen in dadka barakacay ay u baahan yihiin gurmad raashin iyo agabyada roobabka looga gaashaanto.
Dadka barakacay waxaa ku jira dad deganaa 6 kaam oo awalba qaxooti ahaa kuwaasoo ay ugu sii darsoontay roobab iyo barakac.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDagaal laba koox oo Alshabaab ah ka dhexeeya oo ka socda nawaaxiga Ceel-buur
Next articleHadal heynta Caawa iyo Somalia iyo Xidigihii oo la weysan yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here