Roob ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa maanta ka da’ay degaano dhaca Koofurta Gobalka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, waxa uuna biya dhigay goobihii uu ka da’ay.

Qaar kamid ah gobalada dalka waxaa ka jiro abaaro xoogleh oo saameen ku yeeshay dad badan, iyadoo ay dhinteen boqolaal xoolo ah, halka boqolaal qoysna ay ka barakaceen degaankooda.

Gobalada ugu daran oo ay abaaruhu saameeyeen ayaa ah Jubbooyinka iyo Gedo, halkaasoo laga soo wariyay dhibaatooyin badan oo ka dhashay abaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here