TEXAS (DAYNIILE.COM)-Roobab mahiigaan ah ayaa ka da’ay Mareykanka, wabiga Guadalupe ee gobolka Texas ayaa fatahay waxaana ku dhintay ugu yaraan 24 qof iyadoo kooxaha samatabbixinta ay ku dadaalayeen badbaadinta daraasiin dad ah oo ku go’doonsan biyo sare.
Dadka qaar waxaa lagu la’yahay nolol iyo geeri marka la eego masiibada biyuhu sababeen sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka,waxaana tiradooda lagu sheegay dadka la la’yaha 23 ilaa 25 qof oo Jimcihii ku sugnaa xerad xagaaga Masiixiyiinta kuwaasoo dhamantood ahaa gabdho ah.
Biyahaan ayaa qaadeen dhismayaal guryo waxaana socda barakaca dadka si ay uga bad-baadaan roobabka,waxay ku dadaalayaan inay naftooda ku aaminaan dhul sare si ay uga baxsadaan daadadka xooggan.
Kooxda gurmadka waxay adeegsadeen helikobtero iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn habeenkii si ay u raadiyaan dhibanayaasha iyo samata bixinta dadka go’doonsan. Khatartu may dhamaanin iyadoo roobab kale oo culus la filayo sabtidii iyo digniinaha daadad iyo daadadka ayaa weli saamaynaya qaybo ka mid ah bartamaha Texas.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM