QAZA (DAYNIILE.COM)-Difaaca madaniga ah ee Falastiin ayaa sheegay in qoysaskii ku barakacay dagaalka xasuuqa ah ee Israa’iil ay ku hayso Qaza ay hadda ku xayiran yihiin teendhooyin daadad ah oo ay roobab xooggani ku dhufteen qaybta koonfureed ee Marinka.
Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Francesca Albanese ayaa sheegtay in Falastiiniyiinta loo daayay in ay barafoobaan oo ay gaajoodaan Gaza iyadoo Storm Byron ay ku dhufatay iyo “qarowga” aan la joojin karin.
Iceland ayaa noqonaysa waddankii shanaad ee qaadaca tartanka heesaha Eurovision 2026 ee ku saabsan ka mid noqoshada Israa’iil iyada oo lagu jiro xasuuqa Gaza.
Dagaalka xasuuqa ah ee Israel ka wado Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 70,369 falastiiniyiin ah waxana ku dhaawacmay 171,069 tan iyo October 2023. Wadar dhan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weeraradii October 7, 2023, waxaana la qabtay ilaa 200 oo maxaabiis ah.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
