Roobab waa weyn oo sababay daadad iyo dhul go’ ayaa ka da’ay koonfurta Aasiya waxaana ka dhasay mid mid ah dhimashadii ugu badnaa ee dunida uu sababo roob,waxaana ka mid ah dalalka masiibadaani qabsatay Indonesia, Malaysia, Thailand iyo Sri Lanka.
Sida warbaahinta Caalamu tabinayaan waxaa ku dhintaan roobabkaan mahiiganka ah 600 oo qof halka kumaanaan ruux ay wali go’doonsan yihiin,sidoo kalana boqolaal ruux wali la’ la’yahay.
Sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Reuters jasiiradda Sumatra ee dalka Indonesia roobabka halkaasi ka da’ay waxaa lagu waayay wax kasta sida ay iyaguna ka soo xigteen goob jooge u dhashay Dalka Indonesia.
Iyadoo wali la la’yahay boqollaal qof, ayaa laga yaabaa in dhimashadu ay korodho. Kumannaan qof ayaa weli go’doonsan, qaarkoodna waxay ku sugayaan meelaha sare ku sugayaan samatabixin.
Roobabka iyo daadadka waxaa u sii dheer Duufaan gaar ah oo dhif iyo naadir ah, laguna magacaabo Senyar taasoo la soo sheegayo inay sababtay dhul go’ a laga soo sheegayo Dalka Indonesia taasoo keentay in duufaantu bur buriso qaar badan oo guryaha ka mid ah halka kumanaan kalana biyaha ay ka hoos mareen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
