Muqdisho (dayniiile.com)-Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ka da’ay roobab waa weyn oo daadad waa weyn ay ka dhasheen kaasoo gaystay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed.
Inta la ogyahay roobabka xalay ka da’ay Gaakacyo waxaa ku geeriyooday 2 ruux halka hanti badana ay ku burburtay.
Advertisement
Wararka qaar ayaa sheegaya in ilaa 100 guri ay ku burbureen roobabkaasi halkaasoo dadkii deganaa isaga barkaceen.
Roobabkaan ayaa qeyb ka ah mid Elnino ee hore loo saadaaliyay islamarkaana masuuliyiintu shacaba uga digeen nawaaxiga wabiga iyo meelaha biya mareenada ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM