HomeWarkiiRoobab waa weyn oo ka da'ay deegaano hoos taga Ismaamulka Gaarissa oo...

Roobab waa weyn oo ka da’ay deegaano hoos taga Ismaamulka Gaarissa oo sababay khasaare naf iyo maal-ba leh.

GARISA (DAYNIILE.COM)-Aabe Soomaaliyeed oo xoolo dhaqato ah ayaa wareysi uu siiyay BBC wuxuu kaga sheekeeyay dhibaato ka qabsatay roobab khamiistii ka da’ay deegaano hoos taga Ismaamulka Gaarissa dhulka Soomaalida balse Kenyanku maamulo.

Aabahaan oo lagu magacaabo Deeqow Kuusow Maxamed ayaa sheegay in roobab waa weyn oo da’ay maalmo ka hor habeen saq dhexe uu ka war helay isaga iyo caruurtiisa biyo hal mar la tagay xeradii arigu ugu jirey iyo aqal baadiyedka ay deganaayeen, aabaha wuxuu sheegay inay u suuragashay kaliya inuu naftiisa iyo tan caruurtiisa kala baxsado goobta.

Boqol neef oo ari ah oo xerada ku jirey,raashinkii qoyska iyo aqalkiiba waxaa qaatay biyaha roobka oo dhamaan xoolihii ariga ahaa waa wada baqtiyeen oo hal kama noola.

Khasaaraha Aabe Deeqow Kuusow Maxamed kaliya ma soo gaarin waxaana la soo sheegayaa in Deegaano dhowr sida Shimbireey ,Sankuri iyo Balanbal oo dhaamn hoos taga Garisa  ayaa ah halka ugu badan ee khasaaraha ay ka soo gaareen dadka xoolo dhaqatada marka la eego daadadka roobka ee soo rogmaday.

Ma jirto tira koob rasmi ah oo lagu sameeyay tirada qoysaska dhibaatadadu soo gaartay hadey xoolo tahay iyo hadii hanti kale tahay marka laga reebo aabahas isagau si shaqsi ah warbaahinta uga warbixiyay khasaaraha qoyskiisa soo gaaray.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

Ari' ku dhintay daadka Balanbala

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -