Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulan la qaatay hay’adaha maaliyadda dalka sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud.

Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble ayaa maanta la kulmay Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Xisaabiyaha Guud.

Kulankan ayaa looga hadlay daah furnaanta nidaamka maamulka iyo maaliyadda, joogteynta mushaarka shaqaalaha dowladda, ciidanka iyo kharashaadka wasaaradaha iyo hey’addaha kale ee dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasiirka Maaliyadda in lala socodsiiyo hubinta kharash-bixinta iyo lacagta hey’adda IMF qoondada dowladda Federaalka, isla markaana iyadoo aan ogolaansho laga heysan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha aan la bixin karin lacag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here