Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-garsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi isku dhaf ah oo ka kooban 11 xubnood, kuwaas loo xil saaray inay ka soo tala bixiyaan Rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo saameyntii ay reebeen.

Guddigaan oo isugu jira xildhibaano iyo wasiirro ayaa guddoomiye looga dhigay wasiirka amniga xukuumadda Rooble Xasan Xundubey Jimcaale, waxaana waajibaadkooda lagu soo koobay seddax qodob oo kala ah.

1 –Xallinta caqabadaha saameeyey ciidanka ee ka dhashay arrimaha siyaasadda.
2 –Dib u celinta ciidamada ka soo baxay furumaha ee soo galay magaalada Muqdisho.

3 –Baabi’inta calaamadihii ka dhashay shaqaaqadii ka dhacay magaaada.
Ra’iisul wasaaraha ayaa guddigaan faray in howshaan loo xil-saaray ay ku soo gabagabeeyaan mudo 5-cisho ah, waxayna xubnaha guddigaas kala yihiin.
1 – Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Guddoomioye
2 –Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax Xubin
3 –Wasiirka Gaanshaandhigga Xasan Xuseen Xaaji Xubin
4 –Mudane Cabdi Sheekh Axmed Rooble Xubin
5 –Wasiiru Dowlaha Amniga Farxaan Cali Axmed Xubin
6 –Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaalla Xubin
7 –Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Xubin
8 –Senator Dhagey Geelle Ugaas Xubin
9 –Senator Cabdi Aaden Dhuxulow (Dhagdheer) Xubin
10 –Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur Xubin
11 –Xildhibaan Mahad Salad Xubin
Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here