Raiisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyay Guddiga hirgalinta doorashooyinta oo maanta bilaabay Shahaado bixinta.

“Hambalyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo guddoomiyehooda Muuse Geelle Yuusuf oo maanta bilaabay bixinta shahaaddooyinka xildhibaannada la soo doortay ee baarlamaanka 11aad ee dalka” ayuu yiri Raiisul wasaare Rooble.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan sidoo kale bogaadinayaa xildhibaannadii u horreeyay ee maanta qaatay shahaaddooyinka, anigoo rajeynaya in howsha shahaaddo siinta iyo dhaarinta xildhibaannadu ku soo idlaato ka hor xilligii loo asteeyay”

Guddiga doorashooyinka Heer federal ayaa bilaabay bixinta shahaadada Rasmiga ah ee la siinayo xildhibaanada laba gole ee barlamaanka 11aad kuwaasi oo dhawaan lasoo doortay.

Saakay oo jadwalka uu ahaa in la bilaabo qaadashada shahaadada xildhibaanada ayaa waxaa xarunta guddiga gaaraya xildhibaanada Cusub.

Ku dhawaad 20 Xildhibaan ayaa hadda qaatay Shihaadada Xildhibaano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here