Ilaa Hadda Dad ayaa Rumaysan La”a Rooble ayaa Ka Takhalusay Raggii Awooda Badnaa ee Farmaajo iyo Fahad,Rooble wuxuu dabakhay Talooyinka Buuga The Prince oo uu qoray Niccolò Machiavelli
oo udhashay Wadanka Talyaaniga kaas oo odhanaya waa inaad hore uga takhalusto cid, kasta oo Ka shaqaysay inaad Xukunka timaado waayo buu leeyahay Machiavelli hadii kale uma madax banaanaaysid Go”aamadaada waxaad noqonaysaa qof la keensaday oo wax loo yeedhiyo .

Buuga The Prince oo ah marjaca ugu weyn ee siyaasiyiinta waxaa, ku soo caana maallay ragga ay kamid yihiin Hitler iyo Hogaamiyihii Talyaaniga Benito Mussolini, ayaa laga hayaa hadaanan habeen kasta buuga The Prince akhriyin maba seexdo.

Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Ordogan ayaa inta badan,isna adeegsada farsamooyinka iyo kaartooyinka Buuga The Prince iyadoo lagu naanayso sisaasada noocan ah Machiavelli oo loola jeedo ninka qoray Buuga ,Ordegan wuxuu dhamaan Ka takhalusay cid kasta oo Ka shaqaysay inuu xisbigiisa Ak qabto tallada Turkiga dadkaas uu saaxada siyaasada ka saaray waxaa kamida ,Abdallah Oglo iyo Ahmed Daauud Oglo iyo Cali Baba-jaan,dhamaan raggani waa ucadaw Ordegan xilligan la joogo,marna waxay ahaan jireen ragga garbaha u ah .

Buuga the Prince waxaa ku jirta odhaah caana الغاية تبرر الوسيلة
Maslaxada Dawlada iyo deganaan shaha Xukunku wuxuu ku jiraa in la , isticimaalo dariiq kasta oo lagu Ilaalin karo jiritaanka nidaamka .

Buugan wuxuu leeyahay siyaasada kuma jirto wax Akhlaaq, la yidhaado ,Hogaamiyuhu waa inuu leeyahay waji wanaagsan iyo waji xun oo Ka shaydaanka ah .hogaamiyuhu waa inuu Adeegsadaa diinta sida Culimadda kana soo muuqda munaasabadaha diiniga ah , waad arragtaan Madaxweyne shacabkiisa Masaajid kula tukanayo ama isagoo kiniisad jooga,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here