XIGASHO LAACIB.NET
Halyeeygii hore ee kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa saadaal cusub ka bixiyay tartanka Premier League, isagoo taageeray Arsenal inay ku guuleysan doonaan horyaalka, kana hor mari doonaan Manchester City.
Rooney ayaa arrintan sheegay kaddib markii uu daawaday Arsenal oo si fudud 3-0 uga adkaatay Fulham kulan ka dhacay Emirates Sabtidii. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta aysan lumin doonin wax dhibco ah inta ka dhiman xilli ciyaareedka.
Isagoo la hadlayay barnaamijka Match of the Day ee BBC, Rooney wuxuu yiri: “Waxaan aaminsanahay in Arsenal ay ku guuleysan doonto horyaalka.
“Waxaan dareemay tan xitaa kaddib markii Manchester City ay garaacday Arsenal. Waxaan u maleynayay in laga yaabo inay maskax ahaan saameyn ku yeelaneyso Arsenal, gaar ahaan safarkii Etihad iyo guuldarradii final-ka Carabao-ga.
XIGASHO LAACIB.NET
