HomeCiyaarahaRoy Keane oo ku baaqay in Michael Carrick hadda qandaraas rasmi ah...

Roy Keane oo ku baaqay in Michael Carrick hadda qandaraas rasmi ah loo saxiixo – maxaa isbeddelay?

XIGASHO LAACIB.NET

Halyeyga Manchester United, Roy Keane, ayaa bixiyay falcelin aan caadi ahayn ka dib markii uu arkay Michael Carrick oo guul ku bilowday kulankiisii ugu horreeyay ee isagoo ah tababare ku-meel-gaar ah, markaas oo ay United 2-0 ku garaacday deriskeeda Manchester City.

Keane oo ka hadlayay mustaqbalka Carrick ee xilkan ayaa isagoo la hadlayay Sky Sports yiri: “Siiya wax kasta oo uu rabo! Qandaraas u saxiixa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Keane wuxuu ku daray: “Aan dhowrka bilood ee soo socda ku xukunno. hadafka isaga u degsan waa inuu isku dayo inuu kooxda geliyaa dardar joogto ah. Waa tababare Ingiriis ah, saxaafadda Ingiriiskuna way u ololeyn doontaa. Maanta si fiican ayuu isku muujiyay, laakiin aan aragno sida uu u sii wado.”

Carrick ayaa loo xilsaaray inuu sii hayo xilka tababarenimo ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedka 2025/26, wuxuuna wajahayaa tartan adag oo ah inuu xaqiijiyo in Manchester United ay ku dhameysato afarta boos ee ugu sarreeya horyaalka Premier League.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -