HomeCiyaarahaRuben Amorim: “Lagama yaabo inaan beddelo  nidaamkeyga xitaa haddii…….”LAACIB

Ruben Amorim: “Lagama yaabo inaan beddelo  nidaamkeyga xitaa haddii…….”LAACIB

XIGASHO LAACIB.NET

Tababaraha Manchester United, Rúben Amorim, ayaa si cad u sheegay in aanu qofna – xitaa milkiilayaasha kooxda – awoodin inuu ku qasbo inuu beddelo nidaamkiisa ciyaareed, xilli kooxdu wajahday bilow xun oo lamid ah xilli ciyaareedkii hore.

Amorim, oo u dhashay dalka Portugal, ayaa xitaa kaftamay isagoo yiri: “Xitaa Baadarigu [Pope-ka] igu khasbi karo inaan beddelo Nidaamkeyga… Tani waa shaqadayda. Waa mas’uuliyaddayda. Waa nolosheyda. Sidaa darteed, ma beddeli doono.”

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu yiri:

“Haddii aan ahay ciyaaryahan oo aan leeyahay tababare, islamarkaana ay jirto cadaadis badan oo dadka adduunka oo dhan ah oo leh ‘waxaad u baahan tahay inaad beddesho nidaamka’, balse uu tababaruhu yiraahdo ‘waan beddelayaa’ – ciyaartoydu si kale ayay ii eegi doonaan.”

“Wax walba waa muhiim marka aad ka fikireyso saameynta go’aan uu ku yeelan karo kooxda. Anigu waxaan wax ku sameeyaa dariiqayga. Waxaan rajeynayaa inaan waqti helo si isbeddel u dhaco, balse isbeddelkaasi wuxuu noqon doonaa mid si tartiib tartiib ah u dhaca – horumar ah.”

Rúben Amorim ayaa marar badan lagu eedeeyaa inuu yahay mid aad ugu dheggan aragtidiisa ciyaareed – taasoo loo arko inuu yahay qof ad-adag ama madax adag – arrintaas oo markale la hadal hayo kadib bilowga liita ee xilli ciyaareedkan ee kooxda Manchester United.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -