HomeCiyaarahaRuben Amorim oo go’aan culus kasoo saaray mustaqbalka Casemiro

Ruben Amorim oo go’aan culus kasoo saaray mustaqbalka Casemiro

XIGASHO LAACIB.NET

Maalmo ka hor, booska Casemiro ee Manchester United ayaa shaki ku jiray, hase yeeshee xiddiga Brazilian-ka ah ayaa hadda si rasmi ah uga mid noqday ciyaartoyda lagu tashto ee Ruben Amorim.

Sida laga soo xigtay talkSPORT, Amorim ayaa diyaar u ah inuu ka fikiro in Casemiro uu sii joogo United xilli ciyaareedka soo socda. Go’aankan waxaa laga yaabaa inuu u baahan yahay in kharashkiisa mushaharka la dhimo, oo hadda ka badan £300,000 todobaadkii, la dhimmo, maadaama uu ciyaaryahanku noqon doono 34 jir bisha Febraayo.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa noqday mid cajiib ah, waxaana hadda aan la hubin in Casemiro uu ka tagi doono kooxda marka uu dhamaado heshiiskiisa xagaaga soo socda.

Casemiro ayaa door muhiim ah ka qaatay Manchester United xilli ciyaareedkan, isagoo ka qeyb qaatay 10 kulan, isla markaana dhaliyay 3 gool iyo hal caawin.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -