HomeCiyaarahaRuben Amorim oo isbeddel weyn ku sameeyay tababarka United

Ruben Amorim oo isbeddel weyn ku sameeyay tababarka United

XIGASHO LAACIB.NETTababaraha cusub ee Manchester United, Ruben Amorim, ayaa qaaday tallaabooyin adag si uu ugu gudbiyo ciyaartoyda aragtidiisa taktikalka ee ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub, sida uu daaha ka rogay Daily Mail.

Amorim ayaa gebi ahaanba mamnuucay kaamirooyinka iyo warbaahinta gudaha kulamada taktikalka, si uu si toos ah ugu sharaxo ciyaartoyda doorkooda iyo meelaha looga baahan yahay iney garoonka ka joogaan daqiiqad kasta.

 

Tababarihii hore ee reer Portugal ayaa doorbidaya in tilmaamihiisa ay noqdaan kuwa kooban, cad oo muhiim ah, si aanay ciyaartoydu u dareemin culays ama wareer — hab uu ka dhaxlay waayo-aragnimadiisii ciyaareed ee dhowaan soo idlaatay.

 

 

Wxaa sare u kacay heerka xamaasadda iyo diyaar garowga kooxda, iyadoo warbixino laga helayo gudaha Mareykanka lagu bogaadiyay sida dhabta ah ee ciyaartoydu u fahmeen uguna dabaqeen qaab ciyaareedkooda qorshihiisa.

Tani waxay si cad uga muuqatay guulihii horudhaca ee ay kooxda ka gaartay West Ham iyo Bournemouth, taas oo muujinaysa isbeddelka dhanka fikirka iyo nidaamka ee kooxda Amorim.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -