XIGASHO LAACIB.NET
Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa si furan uga hadlay xiriirka adag ee kala dhexeeya xiddiga garabka ah ee reer Argentina, Alejandro Garnacho, isaga oo sheegay in ciyaaryahanka laga yaabo inuu raadinayo bilow cusub oo ka baxsan Old Trafford.
Warar dhowaan soo baxay ayaa sheegaya in Amorim uu si toos ah ugu hor canaantay Garnacho dhammaan kooxda kaddib guuldarradii kama dambaysta ahayd ee Europa League, isagoo xiddiga 21-jirka ah si qallafsan ugu sheegay inuu sida ugu dhaqsaha badan u raadsado koox cusub.
Isagoo arrinta faahfaahin ka bixinaya, Amorim wuxuu sheegay:
“Garnacho waa ciyaaryahan karti badan, taas qof walba wuu fahmi karaa. Laakiin mararka qaar wax walba si fiican uguma shaqeeyaan – mana jirto sabab gaar ah oo loo sheegi karo. Waxaan u maleynayaa in uu doonayo caqabad cusub oo uu ku heli karo hoggaan ka duwan midka hadda jira – waana arrin la fahmi karo. Sidaas darteed, aniga dhibaato iima aha.”
Amorim wuxuu sii raaciyay:
“Mararka qaar waad is fahmi kartaan qof, mararka qaarse waxaad rabtaa loollan cusub. Sidaas darteed, waxaan isku dayeynaa in wax walba la isugu keeno si fiican – kooxda, tababaraha, iyo ciyaaryahannada.”
Hadalka Amorim ayaa sii xoojinaya wararka sheegaya in Garnacho uu doonayo inuu ka tago kooxda, iyadoo kooxo kale ay durba xiiseynayaan saxiixiisa.
