HomeCiyaarahaRuben Amorim oo shaaciyay xaaladda Harry Maguire iyo De Ligt ka kor...

Ruben Amorim oo shaaciyay xaaladda Harry Maguire iyo De Ligt ka kor kulanka adag ee Aston Villa!

XIGASHO LAACIB.NETTababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa xaqiijiyay in aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid ciyaartoyda uu heli karo ka hor kulanka ay la ciyaarayaan Aston Villa.

Taasi waxay la micno tahay in daafacyada dhexe ee Harry Maguire iyo Matthijs de Ligt ay weli ka maqnaan doonaan safka Red Devils.

Amorim oo la hadlay saxaafadda ayaa yiri:

“Waxaan u maleynayaa in dhammaan ciyaartoydu ay fiican yihiin. Waxaa haray hal tababar oo kale, laakiin maanta inta kale waa diyaar.”

“Ma jiro qof soo kabanaya, mana jiro qof cusub oo maqnaanaya. Waa isla ciyaartoyda aad hore u ogaydeen.”

Manchester United ayaa kulankii Bournemouth si weyn u dareentay maqnaanshaha daafac dhexe oo khibrad leh, kaddib markii ay goolal badan ku dhiibteen bartamaha difaaca.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -