XIGASHO LAACIB.NET
Manchester United ayaa guul dhib badan ka gaartay Burnley kadib markii ay 3-2 ku badiyeen ciyaar ka dhacday Old Trafford, hase yeeshee weeraryahanka weyn Benjamin Sesko ayaanan mar kale lagu soo darin safka hore, isagoo kusoo bilowday kursiga kaydka.
Tababare Ruben Amorim ayaa sharaxay sababta, isagoo sheegay in Sesko uusan wali helin taam buuxa kadib kulankii Carabao Cup ee ay la ciyaareen Grimsby Town.
Amorim ayaa yiri:
“Wuxuu dhameystay kulankii Grimsby isagoo qabay murqo xanuun iyo daal, wuxuuna ku ciyaaray xadka ugu dambeeya. Taasi ayaa sabab u ahayd inaan ka ilaaliyo inuu qaato rigoorada, sidoo kale maanta. Josh waa weeraryahan kale, halka Ben uusan weli sameynin 90 daqiiqo oo buuxa intii lagu jiray xagaaga. Maan doonayn inaan khatar kale geliyo ciyaaryahan kale.”
Sesko ayaa qeybtii labaad soo galay ciyaarta balse ma uusan laheyn wax saameyn ah oo weyn. Goolasha guusha Red Devils waxaa u dhaliyay Bryan Mbeumo iyo Bruno Fernandes.
XIGASHO LAACIB.NET
