HomeCiyaarahaRuben Amorim oo sharaxay sababta United ugu dhibtooto difaacashada kubbadaha geesaha.

Ruben Amorim oo sharaxay sababta United ugu dhibtooto difaacashada kubbadaha geesaha.

XIGASHO LAACIB.NET

Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa difaacay daafacyadiisa kadib dhaliilo badan oo kaga yimid khataraha ka dhasha kubbadaha geesaha.

Markii wax laga weydiiyay in difaacyadu si ku filan u difaacaan goolhayaha Altay Bayındır, Amorim ayaa ku jawaabay:

“Haa, waxaan sameynaa wax walba oo aan awoodno.

Waan ogahay inaad fiiro gaar ah u leedahay kubbadaha geesaha ee goosheenna horteeda, laakiin haddii aad xasuusato ciyaartii [ka dhanka ahayd Fulham], waxaan helnay fursado waxaanan dhalinay gool geeska laga soo qaaday. Waxaan helnay rigooro, waxaana jirtey kubbad dhammaadkii ciyaarta aad uga dhoweyd goolka.

Haddii aad dib u fiiriso ciyaar kasta oo Premier League ah, ma sheegi kartaa kulan aanan arag hal fursad oo weyn oo ka timaadda kubbad gees ah? Waxay dhacdaa ciyaar kasta.”

Amorim ayaa sidaas ku muujiyay in arrinta aysan ku koobnayn United oo keliya, balse ay tahay dhibaato guud oo kubadda cagta caalamka ah ka jirta, isagoo caddeeyay in kooxdiisu si dhab ah uga shaqeyso difaacashada xaaladahaas.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -