HomeCiyaarahaRuben Amorim oo si lama filaan ah u shaaciyay sababta ugu weyn...

Ruben Amorim oo si lama filaan ah u shaaciyay sababta ugu weyn ee guuldarradii City

XIGASHO LAACIB.NETTababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa sheegay in kooxdiisu ay la kulantay guuldarro laga hortagi karay kaddib markii ay 3-0 kaga badisay Manchester City kulan ka dhacay Etihad Stadium Axaddii.

United ayaa lagu garaacay gool madax ah oo uu ka dhaliyay Phil Foden, halka Erling Haaland uu labo gool ku daray qeybtii labaad.

Amorim oo la hadlay BBC Match of the Day ayaa yiri:

“Haddii aad fiiriso goolasha, waxaan aaminsanahay in la iska ilaalin karay. Taasi waxay ahayd farqiga ugu weyn. Goolka labaad si gaar ah waan uga fiicnaan karnaa.”

“Farqiga ugu weyn wuxuu ahaa in annaga markaan helnay fursado fiican, aanu goolal dhalin. Iyaguna qeybtii labaad way ka faa’iidaysteen taas.”

“Goolka saddexaad wuxuu yimid markii ay dhacdayb isfahan la’aan dhanka isku xirka. Ninkii ayuu xor u noqday inuu gool dhaliyo. Inkastoo aan isku dhex yaacnay haddana waan is-difaacnay, balse ma aanan noqon kuwo ku filan oo dagaal badan.”

“Ciyaaraha noocan oo kale ah, waa in aan ahaanno kuwo qumman. Maanta ma aanan ahayn. Xanuunka ugu weyn waa fursadaha badan oo aanan goolal ku dhalin. Waa inaan wax badan ka shaqaynaa kulanka soo socda.”

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -