Waxaa maanta baraha bulshada aad loo wad wadaa cod sir lagu sheegay oo C/raxmaan Faroole lagu sheegay inuu yahay kaasoo uu ku leeyahay waa in dagaal uu ka dhacaa Muqdisho islamarkaana loo adeegsado Madaxweynihii hore ee Shariif iyo Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur.
Waxaa ka soo daba baxay warar kale oo lagu beeninayo islamarkaana lagu sheegayo in codkaasi yahay AI ,waxaana lagu tilmaamay Audio forensics analysis.
Dadka beeninaya waxay leeyihiin waa codad la isdul saaray laguna aqoonsan karo inay yihiin hadalo badan oo boobsiis ah islamarkaana is dulsaar ah ,sidoo kale waxay ku doodayaan in hirarka jabaqda codadka dambe (voice background) aad ayay uga shanqar yar tahay kuwa hore.
Qolooyinka codkaan inuu sax yahay ayidsan waxay iyaguna cuskanayaan codadka AI lagu sameeyo ma noqon karaan kuwo si nadiif ka dhigi kara codka qofka hadlaya.
Si kastaba Sanatar C/raxmaan wali kama uusan hadlin codkaasi la sheegay inuu isaga yahay islamarkaana maanta qabsaday baraha bulshada.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
