Run miyaa? Ma ogi. No.400

Duq Cosobeey ayaa tiri:

Cosobey: Oday Cosoboow maanta inteed u socotaa oo warqadahaan aad u wadataa ?

Cosoboow: Maanta AMISOM iyo UN ayaan u socdaa oo Arji ayaan u qortay Teendhada Afisyoni.(F.S:1aad)

Cosobeey: Ganacsadaan kugu ogaay, ee Ma Siyaasi ayaad noqotay.

Cosoboow: Maya, ee Waxaan rabay in Teendhada la iga kireeyo Maalmaha Shirku Baaqdo, Si Aroosyada loogu dhigto.

Cosobeey: Yahoo, kuwii mahaas isku arooso xeeyhee dhalaayaan, kuwii ku shirayay ayaanba wax laga sugeeyne, Dadaase ku ajaran.

Cosoboow: wexeey rabaan ha dhaleen, Ma ebedaa Cosoboow iyo Cosobeey cid u darsadeen, Laakin, Khayr iska niyeeyso, kirada aroosyadaa nagu filane.

Cosobeey: Horta xaa leeysku heeystaa?

Cosoboow: ma ogi, waxaase maqlay Kuwaa yiri: 19 feb. 2021 wixii dhacay kama hadli kartiin oo kuwa wax la yeelay isku qabiil ma tihiin, Annagaa isku qabiil ah.

Cosobeey: Xaa hee loogu jawaabay?

Cosoboow: waxaa loogu jawaabay, Adinkuba kan aad u hadleeysiin isku qabiil ma ihidiin, ee Annagoow nagu qabiil yahay.

Cosobeey: Macbuudka, ma hadeey Qabiil u noqotay !, Cirkeey ku dhasqooliyay.

Run Miyaa? Ma ogi.

Qore: Yahya Amir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here