Ruqiyo Shiikh Naaji “Waxaan musharax u ahay kursiga baarlamaanka ee boqortooyada Silcis Gorgaarte”

0

 

 

Drs. Ruqiyo Shiikh Naaji, oo ah gabar aqoonyahanad ah, muddo dheerna ka soo shaqaynaysay howlaha samafalka, ayaa sheegtay in ay tahay musharax u tartami doona kursiga beesha boqortooyadda Silcis Gorgaarte ee  baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaanna waraysi dheer oo ay maanta siisay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ah ee Muqdisho, ku faahfaahisay qorsheeda siyaasadeed haddii ay ku guulaysato xilkaasi.

Ditooreesa Ruqiyo, waxay  cambaaraysay tacadiyada kufsiga iyo dilalka ah ee muddooyinkii u dambeeyey qaybo ka mid ah dalka loogu gaystay gabdho Soomaali ah, waxayna ka dalbatay  hay’adaha garsoorka dowladda Soomaaliya inay cadaaladda marsiiyaan shaqsiyaadka xadgudubka u gaysanaya haweenka, ayna soo saaraan shuruuc xakamaneysay tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

Ruqiyo, waxaa kale oo ay u soo jeedisay  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inuu ansixyo sharci xakamaynaya inaan lagu xadgudbi karin kootada haweenka ee Baarlamaanka.

Ruqiyo  waxay ku ammaantay Dowladda Madaxwayne MC Farmaajo tillaabooyinka waxtarka u leh dowladnimada ee ay ku tillaabsatay muddadii ay hogaanka dalka hayeen, waxayna soo jeedisay in Dowladdu ay dhinaceeda ka dhaqangeliso heshiiskii ay Muqdisho ku gaareen Dowladda dhexe iyo madax goboleedyada.

“Dalku wuxuu u baahan yahay samatabixin, inkastoo halka uu maanta joogo markii loo fiiriyo marxaladihii la soo maray la dhihi karo waa meel laga sii ambaqaadi karo, haddana waxaa lagama maarmaan ah in shaqooyinka loogu qidmaynayo bulshada in loo dhiibo dad lagala xisaabtami karo, oo oggol in ay hayaan ammaano” Ayeey tiri Ruqiyo waxay intaasi raacisay in waqti badan ay galisay sidii Qaranka Soomaaliya uu mar kale cagahiisa isugu taagi lahaa.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here