Ruqiyo Xassan “Waxay nagu yiraahdeen dowladdiina ayaa amar soo saartay”

0

 

Ruqiyo Xassan, ayaa ka mid ah muwaadiniin Soomaali ah oo ku xayiran garoonka dayuuradaha Fiumicino ee Magaalada Roma, waxaanna  ay ugu baaqday hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya in ay xil iska saarto saameynta ay ku yeelan karto go’aannadeeda Soomaalida qurba joogta ah ee dalka u soo safraya.

“1-dii bishan ayaan tagay Garoonka Fiumicino, go’aanka waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha  wuxuu soo baxay 1dii, dhaqangalkiisa wuxuu ahaa 3-da bisha sida ku cad amarka ka soo baxay warqada ay soo saareen waxaan safar u soo ahaa Muqdisho, shirkadii dayuurada waxay tiri ma baxeysid dowladdiina ayaa amar soo saartay,  waa inaad sidataa shahaado caddaynaysa inaadan qabin Covid19″ Ayeey tiri Ruqiyo Xassan waxayna intaasi raacisay in qolyaha  shirkadda ku  yiraahdeen; Dowladdiina maalin kasta amar ayaa ka soo baxaya.

“Tikit-kaygii wuu qasaaray, hay’addeena socdaalka waa in ay u shaqeeysaa qaab adduunka la jaan-qaadi kara oo dadkeeddii ay xuquuqdooda ilaalin lahayd aysan xuquuqdooda ku tuman” Ayeey tiri Ruqiyo, waxayna la yaab ku tilmaantay go’aan maalintii la soo saaray isla maalintii ku xigtay la dhaqangelinayo, oo dadkiina aan fursad loo siinayn waqti ay ku diyaargaroobaan.

“Maanta meel cidlo ah ayaa taaganahay, waxaanna u sabab ah  dowladdeydii aan ka sugayay inaan garab ka helo, yaab kaga cabaneynaa” Ayeey tiri iswaydiisay Ruqiyo waxayna intaasi ku dartay in ay gurmad waydiisatay Soomaalida Talyaaniga.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here