Xukuumadda Ruushka ayaa Dalkeeda ka cayrisey Diblamaasiyiin Reer galbeed ah sida ay ku warameyaan wararka ka imaaneya Dhulweynaha Raashiya Maanta oo Jimca ah.

Diblamaasiyiinta lacayriyey ayaa waxaa ay ka soo kala jeedaan Wadamada kala ah Jarmalka, ISwiidhan iyo Boolandh kuwaas siyaasad ahaan Taliska Ruushka u arka Keligii talis aan naxariis lahayn.

Dowladda Ruushka ayaa diblamaasiyiintaani ku eedeysey in ay qater galiyeen Amniga Dalkaas iyaga oo siweyn u taageerey dibad baxyada dalkaasi Ruushka ka soconeya.

Wasaarada Arinaha dibada wadanka Ruushka ayaa waxaa ay sheegtey in sadexdaani Diblamaasi ee ka soo kala jeeda Dalalka aan kor ku sooxusney ay ka qaybteen 23 Bishii Janaayo ee Sanadkaan dibad baxyada ka dhanka ah Xuukumadda Ruushka.

Sida oo kale Wadanka Boolandh ayaa sikulul ugu hadashey Cayrinta Diblamaasiyiintaas ka soo Jeeda wadamada ugu saameynta badan Midowga Reer yurub waxaa ayna Gebi ahaamba Boolandh ay diiday diblamaasiyiinteeda ay dibad baxyadaasi ka qayb qaateen.

Banaanbaxyada ka soconeya Dalkaasi ayaa ah kuwo lagu taageereyo Xariga siyaasiga ugu weyn Mucaaradka Wadanka Raashiya ee la yiraahdo Alexey Navalny kaas oo Si adag ka soo hojeeda Maamulka Madaxweyne Buutin.
Isha bbc world News W/T; C/wahaab Aadan C/raxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here