Wasiir ku xigeenka Difaaca Ukraine Hanna Maliar, ayaa sheegtay inay jirto khatar sare oo ah in Ruushka uu isticmaalayo hubka kiimikada ah, taas oo daba socota digniintii madaxweyne Volodymyr Zelensky horaantii todobaadkan, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters.

Talaadadii, waxay sheegtay in mas’uuliyiintu ay hubinayeen warar aan la xaqiijin oo sheegaya in laga yaabo in Ruushka uu horay u adeegsaday hubka kiimikada.

Wadamada reer galbeedka ayaa ka digay in adeegsiga hubka kiimikada ay calaamad u noqon doonto sii hurinta colaada halista ah, waxayna ballan qaadeen inay tallaabo adag ka qaadi doonaan haddii Ruushka uu fuliyo weeraradan.

.

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here