Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay in ka badan 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii Ruushka uu duqeymo ka fuliyay dalka Ukraine oo ay ku jiraan gantaallo, diyaarado aan duuliye lahayn iyo bambooyin.
Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa Sabtidii sheegay in Ruushku uu ku garaacay 215 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ah habeen hore, difaaca cirka ee Ukraine ayaa soo riday 87 diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn iyo 7 gantaal.
Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay 17 kalena, oo ay ku jiraan laba carruur ah, waa lagu dhaawacay magaalada waqooyi-bari ee Kharkiv, duqa magaalada Ihor Terekhov ayaa yidhi, isagoo ku tilmaamay weerarka inuu ahaa “kii ugu xoogga badnaa” ee magaalada tan iyo markii Ruushku bilaabay duulaanka buuxa ee Ukraine 2022.
Waxa uu sheegay in 48 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo ay Iran samaysay, laba gantaal iyo afar bambaanooyin la hagayey lagu garaacay ka hor waaberiga magaalada ay ku nool yihiin 1.4 milyan oo qof, oo ku taalla meel 50km (30 mayl) u jirta xudduudda Ruushka.