Ciidamada Ruushka ayaa lagu amray inay isaga baxaan magaalada Kherson ee dalka Ukraine, taasoo ah caasimadda kaliya ee gobolka laga qabsaday Ukraine tan iyo markii uu billowday duulaanka bishii Febraayo.

Taliyaha Ruushka ee Ukraine Gen Sergei Surovikin, ayaa sheegay in hadda aysan suurtagal ahayn in ay gacanta kusii hayaan magaalada.

Ka bixitaanka ayaa ka dhigan in ciidamada Ruushka ay gabi ahaanba ka bixi doonaan gobolka ku yaal daanta galbeed ee wabiga Dnipro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here