Ciidamada Milaterga Dalka Ruushka ayaa la soo sheegayaa inuu gacanta ku dhiga mid ka mida keyd-ka ugu weyn Yurub ee Macdanka lithium-ka kaasoo Ukraine u ahaa il dhaqaale oo muhiim u a ahayd.
Keydka macdanka lithium-ka ee Ukraine ee Ruushka u gacan galay wuxuu gaaraya 100 acres, wuxuuna ku yaalaa kuna yaalla bariga Dalka Ukraine lamana yaqaan talaabada Ukraine qaadi doonto xili reer galbeedkuna garab taagan yahay.
Macdantan waxaa loo adeegsadaa soo saarista baytariyada baabuurta nuucooda korontada ku shaqeeya, qalabka elektaroonigga ah iyo nidaamyada kaydinta tamarta taasoo ka dhigan in Macdantaani Uarine ka maarmin dhaqaale ahaan.
Talaabada uu qaaday Ruushka waxa suurtagal ah inuu tartan ka dhex dhaliyo Dalalka quwadaha madaama ay Ukarine garab taagan yihiin Dalalka uu ugu tunka weyn yahay Mareykanka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM