Raiisul Wasaarihi hore Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa bogaadiyey howlgaladi lagu qabtay degmada ceelbuur asigoo ku amaanay Ciidamada qaranka islamarkaasne wuxu faray dowladda in la ilaaliyo hantida dadka deeganka si ay u helaan kalsoonida shacabka maadama 15 sano xurnimadi laga qaaday ayagoo maanta ay u tahay farxad weyn in dowladdnimada soo gaaratay
Qoraalkiisa waaa kan hoose ka aqriso.
Waxaan Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, Ciidanka Xooga Dalka iyo Ciidamada Kacdoonka shacabka uga hambalyeynayaa guulaha wax ku oolka ah ee laga soo hooyay howl-gallada Khawaarijta looga xoreynayo dalka.
Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa howl-galladii ugu dambeeyey ee degmooyinka iyo deegaannada ka tirsan dowlad gobaleedka Galmudug oo ay ugu dambeysay degmada Ceelbuur looga xoreeyay kooxda Khawaarijta ah ee xilliga dheer horumarka ka hor taagneyd dadka iyo deegaanka.
Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dhinacyadii gacanta ka geystay howl-gallada oo ay ugu horreeyaan ciidanka xoogga dalka ee loo carbiyay ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed, saaxiibada Soomaaliya la garab taagan taageerada buuxda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan xasuusinayaa dowladda labadeeda heer muhiimadda ay leedahay in xoogga la saaro gaarsiinta adeegyada dowladeed, xasilinta iyo horumrinta deegaannada laga saaray Khawaarijta, waxaana mar kale ku baaqayaa in loo midoobo dagaalka dib-u-xoreynta ee Khawaarijta lagu cirib tirayo.