Raโ€™iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxda Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle, Puntland & Jubbaland ka dalbaday in ay bilaabaan Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamanka 11aad ee Soomaaliya.

Rooble oo si gaar ah ula hadlay Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha Hir-Shabeelle, Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland & Axmed Maxamed Islaam Madoobe Madaxweynaha Jubbaland waxa uu faray hirgelinta heshiisyadii Doorashada.

โ€œWay Mahadsan yihiin Dowlad-Goboleedyada bilaabay Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, Saddexda Dowlad-Goboleed ee Hir-Shabeelle, Puntland & Jubbaland waxa aan guddiyadooda SEIT farayaa in ay bilaabaan Doorashadaโ€ย ayuu yiri RW Rooble.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa xoojiyay kulamada lagu dardargelinayo Doorashada & kuwa xalka looga gaarayo cabashooyinka kasoo laabtay kuraasta lagu doortay Dowlad-Goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Federaalka FEIT & Dowlad-Goboleedyada SEIT ayaa sheegay in dhammaadka December 2021 kusoo gabagabeynayaan Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka inkasta oo ay dhiman yihiin kuraas badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here