Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku tegay degmada Balcad ee Gobolla Shabeellaha Dhexe ayaa kulan is xogwareysi ah la leh Bulshadda kunool degmadaasi Balcad.

Rooble oo ay wehliyaan Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada ayaa weybaha bulshada waxaa ay kala hadleen arrimo dhowr ah oo uu ugu horreeyo amniga, iyaga oo ka xog wareestay baahiyaha kajira degmada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la qaatay Maamulla degmada Balcad, isaga oo sidoo kale booqday Warshadda Dhrka Somali Tax ee degmada Balcad.

Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee degmada Balcad ayaa waxaa uu daba socdaa booqasho uu dhawaan ku tefayo Xarumaha Shanta Dowlad Goboleed, taas oo salka ku heeysa arrimaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here