Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo booqday qaar kamid ah Dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Soobe 29kii October 2022 ayaa sheegay in Dowladdu ay u aargudi doonto Dadka wax ku noqday qaraxyadaas.

May be an image of 3 people, people standing and indoor

Kaalinta Xukuumadda Federaalka ee u gurmashada Dadka dhaawacyada soo gaaray ayuu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre sheegay in Madaxda & Hay’adaha Dowladda ay ku taageeri doonaan wixii awooddooda ah.

May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor

Lacagta Xukuumadda ay ku deeqday ayuu Ra’iisul Wasaaraha XFS ku sheegay in ay fure u tahay sidii wax loogu qaban lahaa, Dadka dhaawacyada ah ee jiifa isbitaallada ayuu tilmaamay in si gaar ah loola socon doonno.

May be an image of 4 people, people sitting and people standing

Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa Shacabka Soomaaliyeed usoo jeediyay in xalka keliya uu yahay in wadajir loola dagaalamo si looga hortago dhibaatooyin lamid ah kuwa ka dhashay qaraxyadii ka dhacay Caasimadda.

May be an image of 7 people and people standing

Waxa aan ballanqaadeynaa in loo aargudo Dadka Soomaaliyeed, Dalka in nimankaas laga xorreeyo waa go’aan aan kasoo noqosho lahayn, Shacabka Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqayaa sabar, Degenaasho & Dulqaad in ay u yeeshaan dagaalka socda waxyaabaha naga soo gaarayo” ayuu yiri RW Xamsa Cabdi Barre oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Gurmad Qaran.

May be an image of 3 people, people sitting, people standing, hospital and indoor

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in waddamada saaxiibada la ah ay kala kaashaneyso sidii gurmad caafimaad oo dibadda ah loogu heli lahaa Bukaannada u baahan daryeelka meel ka baxsan Dalka sida lagu yiri war kasoo baxay Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here